Ciidamada Liyuu Boolis oo shacab ku dilay xadka ay wadaagaan Soomaaliland iyo Itoobiya

Wararka ka imaanaya deegaanka Allay baday ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geysteen xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliland.

Ciidamada ayaa la sheeay in ay weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dadka Shacabka ah oo ah deegaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay ee Soomaaliland,waxaana ay dileen hal ruux halka laba kale ay dhaawaceen.

Ciidankan ayaa kasoo galay xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ee ku taalla Allaybaday, kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca Somaliland.

Lama garanayo sababta uu ciidankaasi usoo galay magaalada Allaybaday iyo sababta ay rasaasta ugu fureen dadka shacab ah.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira wiil dhallinyaro ah oo ay haleeshay rasaasta ciidankaasi ridayay,

wiilkaasi geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Naasir Cabdi Aadan, waxaana arintan xaqiijiyey guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan xuduudka wadaagaan soomaaliland iyo Itoobiya ee ku yaalla Allaybaday, ayaan ka badnayn afar askari, maadaama aanay wax iska caabin la kulmin ciidanka Liyuu boolis ee soo galay.