War-murtiyeed ka soo baxay shirka madasha aragti wadaagga Soomaalida ee lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti

Jabuti:-Shirkii Aragti Wadaagga Soomaida ee ka socday Dalka Jabuuti oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Caasimadda Djibouti ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Shirka oo socday Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diirrada lagu saaray:

1. Doorka Soomaalidu ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika
2. Qadiyadda Somaliland
3. Horumarinta Ganacsiga iyo Waxbarashada
4. Doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

War-murtiyeedkii oo kooban:

* Madashu waxay dhiirigalinaysaa dardargalinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

* Madashu waxay ku baaqday in dib loo soo celiyo wada-hadlaladii Somaliland oo doorkoodu ahaa isqancinta.

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee sannadkan ka taagan Soomaaliya.

* Madashu waxay ku baaqday in doorashada Soomaaliya wakhtigeeda lagu qabto

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland gaar ahaan arrimaha dooorashooyinka.

* Madashu waxay Somaliland ugu baaqday in ay sii waddo wada-hadalkii kala dhaxeeyay Soomaaliya si xal looga gaadho arrinta Somaliland.

* Madashu waxay soo dhaweysay ballanqaadkii madaxweyne Cagjar ee ahaa in la xoojiyo Soomaalinimada.

* Kenya: Madashu waxay bogaadinaysaa doorka ay siyaasadda iyo ganacsiga ay ku leeyihiin Soomaalida Kenya.

* Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka Soomaalida Kenya in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha isgaadhsiinta.

* Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardayda soomaaliyeed iyo tayo xumaanta waxbarashada.

* Madashu waxay soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”

* Madashu waxay ugu baaqeysaa qof kasta oo soomaali ah in uu kaalin ka qaato horumarinta caafimaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

* Madashu waxay madaxweynaha Jabuuti u aqoonsatay xuddunta Soomaalida.

– Shirka waxaa soo xidhay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu aqbalay war-murtiyeedka.