Maxaa shaqada looga joojiyay Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar?.

Ka dib markii saacadihii la soo dhaafay uu baraha bulshada qabsaday muuqaalka Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo bukaan maxbuus ahaa oo lagu dabiiyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho kala baxay.

Ehelada Bukaanka ayaa sheegay in markii Jeneraal Xirsiile uu la baxay Bukaanka uu u geeriyooday dayac iyagoo sheegay in aan la aasi doonin ilaa cadaalad ay u helaan marxuumka.

Intaas ka dib maanta war ka soo baxay Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba shaqadii laga joojiyay Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Cabdi Qani Maxamed Qalaf oo ah afhayeenka Ciidanka Asluubta.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in guddi loo saaray baaritaan si ay ugu sameeyaan eedaha loo jeedinayo Jeneral Xirsiile.