Gudiga Farsamada Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda oo ka shiraya qoondada haweenka.

Guddiga farsamada maamul u dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay kulan ku saabsan xaqiijinta qoondada haweenka ee dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Arrintan ayaa looga gol-leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenku yeelanayaan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qaabka soo xulista.

Dhismaha Galmudug ayaa hadda mareysay meel aad u wanaagsan waxaana dhinacyadu isku raaceen heshiis rasmi ah oo arrimaha Galmudug looga arrinsanayo.