Ciidamada Maamulka Puntland oo Magaalada Boosaaso ku fashiliyay qaraxyo.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan qaraxyo iyo miinooyin ladoonayay in lagu weeraro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa sheegay in qaraxyadani ay kooxo ay ugu yeereen cadaw galiyeen gudaha magaalada si ay ugu wax yeeleeyaan shacabka reer Puntland ee ku sugan magaaladda Boosaaso.

Dagaalayaasha al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Bari ayaa dhawr jeer oo hore weeraro iyo dilal qorsheesan ka gaystay magaalada Boosaaso oo xarun ah gobolkaasi.