CiidaMada Dowladda oo ka hortagay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Degmada Balcad.

Jowhar:-Ciidanka XDS ee ka how-gala Gobolka Shabeellada dhexe ayaa Cashar lama illaawaan ah u dhigay Malleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo Saakay Waaberigii isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan Saldhig ay Ciidanku ku leeyihiin Galbeedka Magaalada Balcad.

Ciidanka xoogga oo ka war helay una diyaar garoobay weerarkaasi ayaa dilay tiro ka mid ahayd nabad-diidka, iyagoo ka furtay Saanad iyo Hub fara badan , sida ay noo sheegeen goob-joogayaal.

Waxaa isa soo taraya guulaha ay Ciidamadu ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo howlaha lagu fashilinayo weerraradooda gaadmada ah, markii ay Ciidamadu kalsooni buuxda iyo wada shaqayn ka heleen Shacabka Soomaaliyeed