Awaamiir culus oo laga soo saarey Amniga degmada Diinsoor ee gobolka Bay

Guddiga Amniga degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxay amarro culus ka soo saareen dhinaca Amniga degmada, iyada oo digniin la direy dad hub sharci darro ah ku dhex qaata Magaalada.

Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha degmada Diinsoor oo ay guddiga soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidan aheyn kuwa Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed aan lagu arki Karin, iyaga oo hub ku dhex wata degmada Diinsoor.

Sidoo kale qoraal ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga degmada ay tallaabo ka qaadaan hubkana ka dhigaan cid alaala ciddii hub Sharci darro ku qaadato degmada Diinsoor.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga Amniga degmada Diinsoor:-