Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Dujumma ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

“ Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ayaa shalay oo ku beegneyd 16/12/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro ka soo gaarin dad rayid ah.

ku xigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen.Bradford J. Gering ayaa sheegay in weerarka ay mareykanka ka fuliyeen deegaanka Dujumma ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta aan wax khasaaro ah lagu gaarsiinin dadka shacab ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay duqeyn ka fuliyaan deegaano dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,iyaga oo sheega inay ku dilaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.