Al-Shabaab oo saakay Dagaal ku qaaday Degmada Balcad.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday kontorool ay ciidamada xoogga ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka shabeellada Dhexe.

Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in weerarka uu muddo saacad ah ka socday degmada Balcad, islamarkaana dhawaqa rasaasta ay maqlayeen dadka deegaanka.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka saakay ka dhacay kontorool ku yaala degmada Blacad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dhanka kale ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, inkastoo Shabaabku sheegtay in weerarkaasi ku dileen askar dowladda ah.