Xamar Wax soo Arag Waxna u Laaban!!!

Dhacdooyin la yaab badan ayaa soo marey magaalada Muqdisho, Sheekooyin hal-xiraale kugu noqonayo ayaa ka dhacay, nin joogay mooyee nin ka maqnaa Muqdisho wey ku adkaanaysaa inuu rumeysto arimaha mararka qaarkood lagu arkayay Magaalada Muqdisho!

Sheekooyinka Taariikhda galay ee Xamar Cadde soo marey waxaan ka xasuustaa Baabuur weyn oo lagu wadayo Toosh, dhaqan la yaab leh ayuu ahaa, baabuurta magaalada laga isticmaalo ayaa xiligaas u badnaa kuwo Duugoobay!!!

Waaa bartamihii Sagaashameeyadii, waa xilli Fiid ah, waddooyinka magaalada intooda badan waa Mugdi, Aniga iyo qaar ka mid ah asaxaabteyda waxaan ku sheeko-wadaag ku aheyn maqaayad ku taalo mid ka mid ah Isgoysyadii waqtigaas ugu Shidnaa Muqdisho.

Dhawr daqiiqo markii aan halkaas fadhinay ayaa ishaydu waxa ay qabtey Baabuur lagu kaxeynayo Toosh isla markaana lagala daba ordayo Alwaax weyn oo taako u ah maadaama uusan Baabuurku laheyn Fariin Fiican!

Mucjiso ayay arintaasi igu noqotay, eegmo labaad ayaa baabuurkii u sii celiyay, waxaan xaqiiqsadey inay baabuurkaas kaxeynayeen Seddex nin oo mid walba meel u xil-saarnaa!

Seddexda Nin, midka koowaad waxa uu ahaa Darawelkii Isteersada hayay, midka labaad waxa uu ahaa ninkii Tooshka Baabuurka hortiisa ugu iftiiminayay, halka midka Seddexaadna uu ahaa ninkii hayay Alwaaxa weyn oo markii Baabuurka la joojinayo Fariin uga dhigayay!

Dhacdadaas wali kama go’in maankayga, xaqiiqdii arintaas waxay ka mid tahay dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee Xamar soo marey, Shalay maanta ku illoow.

Xamar haddii uu shallay Hoy u ahaa Foolxumo, maanta isbadal & horumar ayuu sameeyay, quruxda ka muuqato ayaa wax la siistaa laheyn, Allaa mahad leh oo Xamar siiyay dad aan marnaba niyad jabeynin.

WD:C/Laahi Shiikhaalow