Taliska Booliska Galmudug oo sheegay in waxyaabo badan oo qarxa lagu qabtay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb:-Taliska ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta faah-faahin ka bixiyey howlgallo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka socday magaalada, kuwaas oo lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa.

Taliyaha qeybta Booliska Galmudug Cabdi Casiis Yuusuf ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo qabashada wax yaabo qarxa oo halis ah, kuwaas oo uu sheegay in la doonayey in lagu dhibaateeyo dadka reer Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa sheegay in xogta qaraxaan ay ka heleen dadka shacabka sidaasna ay ugu suura gashay inay ciidamadu tagaan gurigii lagu diyaarinayey waxyaabahaas, sidoo kale howlgallada ayaa lagu soo qabqabtay dad badan oo looga shakisanyahay waxyaabo liddi ku ah amaanka.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Dhuusamareeb Maxamed Cabiweli Tooxow ayaa warbixintaan nooga diyaariyey.