Shaafici Islaw oo ka tagaya shaqada CECAFA

Shaafici Muxuyadiin Islaw oo muddo dheer ka mid ahaa xiriirka kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta shaaciyay in uu ka tagayo shaqda CECAFA sanadka cusub.

Shaafici Islaw ayaa hadalkan kaga dhawaaqay magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas oo uu iminka ka soconayo tartanka qaramada ee dalalka ku jira ururka CECAFA.

“Waqti dheer oo aad u wanaagsan ayaan kusoo qaatay CECAFA, horaantii sanadkan ayaana madaxda CECAFA u gudbiyay in aan shaada ka tagayo, waxaana isku af-garanay in sanadkan aan la dhameysto” sidaas ayuu yiri shaafici oo sheegay in CECAFA ay tahay ururkiisa uuna ku leeyahay saaxiibo fiican waqti aad u wanaagsana uu kusoo qaatay isagoo xusay in wax kasta oo looga bahado uu garab tagnaan doono, laakin hada ay tahay xilligii uu booska baneyn lahaa si dad kale ay uga faa’iideystaan.

“Cayaaraha hada aan joogo ee CECAFA senior challenge cup ayaa iigu dambeeya oo aan kusoo gaba-gabeynayaa howsha CECAFA oo muddo ka badan 10 sano aan kusoo dhex jiray, laakin taasi macneheedu ma ahan in shaqadii kubbada cagta aan wada joojiyay, hadii ay lagama maarmaan noqotana wixii caawin ah ee xagag CECAFA leygaga baahdo waan caawin doonaa”ayuu mar kale yiri shaafici Islaw oo sheegay in uusan ahayn geed meesha ka baxay oo iska taagan, isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay in dadka kale ee shaqada yaqaan markooda jaanis la siiyo.

BY: Cumar Wardheere