Ciidamada Xoogga dalka oo Deeganka Hosingow ku dilay Saraakiil Al-Shabaab ah.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab khasaare xooggan la gaarsiiyay kadib marki ay isku dayeen in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadaan fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Hosingow.

Cabdiraxmaan Macallin Maxamed oo ka mid ah maamulka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyaadki soo weeraray, isagoo intaa ku daray in ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa hore iskugu dayay in ay soo weeraraan deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada hoose, iyagoo khasaare xooggan kala kulmay.