Axmed Madoobe: “Waxay ku soo uruurtay shaqadii Dowladda Federaalka halkee dhisan oo aan duminaa..”

Kismaayo:-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaaayo oo maanta uu dib ugu soo laabtay ayaa sheegay intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan beesha caalamka, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo madaxda dalka Kenya, kuwaas oo uu sheegay in dhamaantood uu kala hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah maamulkiisa oo uu sheegay in ay wado dowladda federaalka, isagoo dowldda dhexe kula taliyey inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hadda aysan u baahneyn anaa iri iyo sidaan rab ayaa socon, balse xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo is fahan rasmi ah oo laga gaaro waxkasta oo la isku qabto.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay shaqadeeda dhanba ku soo uruurisey ‘halkee dhisan oo aan duminaa’ balse aysan ku howlanayn ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ku goodiyey intaas ay xisaabi ka danbeyn doonto.