Agoon Madi ah!!!.

Labada degmo ee Afgoi & Balcad, waa Madi ma qabaan degmo wallaal la ah. Waa Agoon Gobalkii dhalay waa dhintay. Maamul gobaleedkii Adeerka u ahaana, waa dhoohane dhagool ah, qaraabadii aheyd Gobalada Deriskuna IL naxariis leh kuma fiirin, Tolkii Qaranka ahaayna igu Sawir xataa lagama hayo.

Qofkasta oo Xamar joogo waxa uu quutaa maalin kasta Qudaarta Labada Agoon.

Fatahaadaha kale waa la Isla furdaamiyaa ee tan ma la isku fiirsanaa? Aaween Culumadii Cimaamadaha Dollarka deeqdaa Ku waday? Sadaqadii miyaa la Siyaasadeeyay?

Labadaba fatahaad culus ayaa Ka jirto, colaadina waa u dheertahay.wax qabad kuu roone, la isma warsan, Qurba joog iyo Qaran joogna lama hayo.

Wax kale haddaan loo qaban karin walba:

Xildhibaanada Labada gole ee Agoontu, ha tageen deegaanada, kadibna iyaga oo kaashanayo Saaxiibadood ha ugu deeqeen Bil Mushaarkeed, Maamul gobaleedku Miisaaniyadiisa ha u wareejiyo Dhinaca fatahaadda, Ganacsatada iyo Odayaasha deegaanadu goobaha Fatahaada ha tageen. Somalida kale ee walaalaha ah, haloo sameeyso Xarun ey la Soo xirirraan oo wixii kaalmaa oo tabartoodaa ey Ku Soo ridaan. Aniga koow.

Qore: Yahya Amir