Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhow waxaa ka furmey Shir looga hadlayo Xeer u dhexeyn doona gacnacsatada Hirshabeelle iyo maamulka.

Wasiirka Wasaradda gacansiga iyo maalgashiga dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane, Yaxye Ismaaciil Maxamed oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid looga arinsanayo horumarinta dhaqaalaha deegaannada Hirshabeelle iyo sidii loo heli lahaa sharci kala xadeeya ganacsatada iyo maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in ganacsatada ay kala hadli doonaan sidii ay u maalgashan lahaayeen deegaannada Hirshabeelle.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Hirshabeelle ayaa wuxuu socon doonaa muddo saddex maalin ah, waxaana la filaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah.