HAAY HAAY HAAY WELIGAA HAAY!!! Dr Ahmed Alass

Tanu waa heesti ow ugu jeclaa Jaalle Siyaadxilli ay hobolladi Waaberi wacdaro kasameeyeen dalka oo dhan, Jaale Siyaadna uurumeystay erayada la adeegsanaayay berigaasoo ka dhigtay qof aan weli la arag isaga oo kale.  Maanta M/Weyne Farmaajo wuxuu taaganyahay heer  uu xeelad kasta adeegsanaayo siuusan marna uga degin jagadaas.

M/Weyne Farmaajo waxaa u qarsan xeelado qofka caadiga ah uusan maleyn karin oo ay kamid yihiin in la abuuro fowdo iyo qas aad ubaaxad weyn oo dalka oo dhan lagu curyaamiyo si erayga DOORASHO meeshalooga saaro..

Haddii aan soo koobno waxaa barnaamijkaFarmaajo ka mida in muddo LABA sano ah loo kordhiyo si ay dowladdu u dhammeystirto dustuurka, xasiloonida dalka, dib-u-heshiisiintaiyo ka takhaluska uruka al-Shabaab.

M/Weyne Farmaajo wuxuu ku guuleystay inuuMamul Goboledyadi oo dhismahoodi laga soomaray dhibaatooyin fara badan uu muddo SEDDAX sano ku baburburiyaymarkahaddii loo kordhiyo xilka waxaa hubaal ah in dalka oo dhan  lagu kala carari doono, waayoo asagu waa buldoozar oo loo adeegsado burburinta dhismayaasha eebuldoozar wax ma dhiso.

Haddaba, siyaasiyiinta maanta ordaaya oo iyagalaftooda u baahan is-abaabul iyo is-afgarasho, waxaan kula tali lahaa inay raadiyaan xeelad kahortegi karta waxaa uu soo wado Famaajo oo ah inaysan dowlad ka dambeyn doonin marbahaddii uu booska waayo, waana isla tubti uuhorey u qaaday Jaalle Siyaad mahey kudambeysayna la ogaa.

M/Weyne Farmaajo waxaan  u sheegeynaa in ragi adiga kaa horeeyay oo booskaan iyojagadaan hortaa soo qabtay  waa jeclaayeen inaysii joogaan sidi ninki isagoo sakaraad ah yiriINAAN JOOGO JECLAAYAA!!! Markuuwaqtigaaga dhammaado waa tegeysaa unamaly maayo inaad doorasho dambe kuguuleysan doonto. Waxaana ´kuu kheyrbadan  inaad isaga tagto inta aad nabadqabto oo laga yaabo inay jiraan  weli dad kutaageersan. Jagadaan aad ayaad u jeceshahay, laakin waxad rabto, mar kasta,lama wada helo..ku quus qaado Jaalle Siyaadmihi u dambeysay, waana ka shallaayaymaraan shallaay wax terin.. Intaasi waa igatalo ee dalka iyo dadka ka badbaadi burburiyo barakac hor leh.

Axmad Calasow