Gabadhii ugu Horeysay ee Noqoto Captain ku Xeel-dheer Wadista Maraakiibta!!!

Waxbarasho, hami, hufnaan iyo karti ayaa la isku dhaafay, hubaashii dad baa hibo u leh inay ka mira dhaliyaan waxbarashadooda, hablaha Soomaaliyeed ee ku guuleystay waxbarshadooda, waxaa safka hore kaga jirto gabadha lagu magacaabo Drs. Culumo C/llaahi Hilowle {Asli}, taasi oo sharaf, ixtiraam iyo tixgalin ku dhex leh ummaddeeda.

Yaraanteedii ayay gabadhaas la soo if baxday mucjiso waxbarasho, hamilo aad u fog ayay laheyd, hadafkeedu waxa uu ahaa sidii ay waxbarashada meel sare uga gaari laheyd, Dugsiyadeedii Hoose iyo Dhexe waxay ku kala qaadatey Shibis iyo Bartamaha.

Buundo aad u sarreysa ayay wadatey markii ay dalbanaysay Dugsiga Sare ee Badda iyo Kalluunka, shuruudaha Dugsigaas ayaa waxaa ka mid ahaa inaad haysato dhibco badan, 95% percent ayay ka wadatey maadooyinka Mathematic & Science.

Tariikh-ahaan Drs. Culumo C/llaahi waa gabadhii ugu horeysay ee baratay Culuunta Badda, Intii ay Dugsiga sare dhiganaysey sannad walba waxay Sedex Bilood practice u aadi jireen iyada & asaxaabteeda Xeebaha: Baraawe, Garoowe iyo Cadale.

Sidoo kale waxay practices u tagi jireen Dekada Mogadishu, si ay u khibrad ugu yeeshaan hawsha ka socoto Maraakiibta gudahooda, isla markaana ay waayo aragnimo uga qaataan Capt. Markabka.

Dadaal, soo jeed iyo wax akhris badan ay samaysay dabadeed waxay gabadhaasi ka mid noqotey 20-kii ardey ee ugu buundo sarreysay Somaaliya, taas oo keentey in iyada iyo saaxiibadeedii kale lagu abaal-mariyo Scholarships laga helay dalka Masar.

Nasiib-darro fursadaas waa laga lumiyay, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa booqday ardaydaas, isaga oo ugu tagay Dugsigii tababarka Xalane si uu u qanciyo, xiiso waxaa lahaa in Madaxweyne Siyaad uu la fariistay ardaydii, waxaana uu u sameeyay balanqaad ay aad ugu farxeen!

Dadaalaa wuu gaaraa, Captain Culumo waxay 16/10/1982 nasiib u yeelatay inay ka qalin jabiso Jaamacadda Bolitechnico, waxaynba ka mid aheyd ardaydii ugu buundada sarreysay, taqasuska gabadhaasi waa Navigation & Fishery, Capt Culumo Cabdullaahi Waa Capt ku xeeldheer wadista markabka iyo Ka shaqeynta guud ee Xafiiska Kabtanariga (Captainer Office) Ee Dekadda.

Halyeeyaddaas oo in badan ku nooleyd Qurbaha ayaa haatan booqasho ku joogto magaalada Muqdisho, xaqiiqdii gabadhaas Captain-ka ah waa Astaan nool oo ay Sooomaaliya ku faani karto.

Aqoon iyo waaya aragnimo qoto dheer ayaa aqoonyahannadaas ku duugan, waxaana haboon cilmiga mugga weyn oo ay xambaarsan tahay in laga faa’iideysto, ammaan iyo bogaadin ayay mutacallimadaasi inagga mudan tahay, waa u sharaf Soomaaliya inay ka dhalato gabar Captain ah oo taariikhdaas wanaagsan leh!!!

WD: C/Laahi Shiikhaalow