Waxgaradka iyo  Culumaa’udiinka Warsheekh oo Cambaareeyay Maamulka Degmadaas oo xiray Masjidka Degmadaasi.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Culimada Degmada Warsheekh maanta ayaa waxay uga hadleen dhacadadii 12-kii Bishan oo uu maamulka Degmadaasi Warshiikh Masjidu Raxma eeku yaala Xarunta Degmadaasi.

Masjidkaasi ayaa waxaa dhisay Xaaji Cadde Maxamed Taakow waqti hadda laga joogo 150-Sanno ka hor, iyadoo uu masjidkaasi uu dib u sii dhisay Sheekh C/Raxmaan Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celi) sanadkii 1963-dii.

Xiligaasi Sheekh Cabdi Celi wuxuu dhismaha Masjidkaasi kala tashaday Owlaadii Xaaji Cadde oo ka koobnaa Wiilal iyo Gabdho, kuwaasi oo kala ahaa Barakow Xaaji Cadde, Xaaji Yuusuf Xaaji Cadde, Shiikhaay Xaaji Cadde iyo Xaaji Cusmaan Xaaji Cadde.

Masjidka wuxuu ahaa mid lagu aqriyo Kutubada Cilmiga , waxaana ku Aqrin Jiray Caalimkii Soomaaliyeed ee lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Celli oo aad loo yaqaan,kadibna waxaa sidoo kale Kitaabada ku aqri jiray Owlaada Sheekha.

Sheekh C/Raxmaan Celi markii uu dhintay 1981-dii, waxaa Masjidkaasi Imaam ka ahaa Macalin Cumar Axmad Afrax oo ahaa kudhowaad 40-sanno macalin Dugsi.

“Waxaan maqli Jirnay in Masaajidada Islaamka Lagu xiro Wadamada Yurub”.

Waxgaradka Degmada waxay sheegeen inay horay Baaq ugu direen maamulka Hirshabeelle gaar ahaan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Mas’uuliyiin kale welina waxay sheegeen in masjidkaasi uu xiran yahay maalintii sadaxaad.

“Maamulka Degmada Warsheekh wuxuu ku xadgudbay Destuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Hirshabeelle, Qodobka 11aad ee sinaanta Farqadiisa 1-4aad ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo Qodobka 11aad ee sinaanta Farqadiisa 1-3aad ee Destuurka Hirshabeelle” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaasi.

“Hadaba maamulka Degmada Warsheekh wuxuu ku kacay fal takoorid ah, maadaama uu xiray masjid ka wada dhaxeeya Ummada Islaamka, fiiri aayada 114-aad eeSuuradda Al-Baqra” ayaa lagu yiri Warasaaxafadeedkaasi oo ku saxiixnaa Madaxa Dariiqada Qaadiriyada iyo Zayliciyada Sheekh C/Raxmaan Warshiikh.