U mahad celin Ardaydayda KBU.

Waxaan u mahad celinayaa Ardayda Somaliyeed ee wax Ku barta Jaamacadda” Kasem Bundit University” oo Sannadkii 1987 ey Asaaseen qoys Muslim ah oo Reer Thailand ah ( F.S: 1,2 & 3).

Jaamacadda waxaan kula shiray Ardayda Somalida ee wax Ku barta ( F.S: 4aad) waxaan uga mahadcelinayaa Haddiyada ey igu Sharfeen ( F.S: 5, 6 &7aad).

Jaamacda waxaa wax Ku barta Arday Ka Kala socoto Qiyaastii 60 Dal, oo ey Ka mid yihiin, Ardayda USA, UK, Japan, China, India, Kenya, Faransa, Barazil, Uganda, Australia, Canada, Somalia iyo wadama kale, fiiri Calamda Wadamada Ardaydu Ka joogto ( F.S: 8aad). Jaamacdaan waxaa dhigta 14 wiil iyo Hal gabar oo Somali ah.

Jaamcadu waxa ey leedahay Xarun aad u weyn oo kaligeed Magaalo yar ah oo deegan iyo wax barasho isagu jirto. Ardaydu waxa ey Ku khasban yihiin in ey Uniform ugaar ah xirtaan fasalada dhaxdooda si loo ogaado Kuliyadda uu Ka tirsan yahay.

Wiilasha iyo Gabdhuhu islama degi karaan hal dhismo, Guryaha jiifkana ma gali Karo Qof aan aheeyn Ardayda degan.

Wadamada qaar Sida Turkiga iyo Maleeshiya waxaa Jira Arday badan oo wax barasho loo diro, laakin Waalidku uuna Ka war qabin in ey wax barashada aadaan iyo in kale, qaar ayaa shiishad iyo wax yaaba kale uga maqnaado casharka.

Thailand waa Ka duwan tahay, Ardaygu haddii uu hal xiso Ka maqnaado ,jaamacadu waxa ey Absantiga u gudbinee Immigration -ka oo Ku weeydiinayo halkeed maalinta jirtay ( waxa ey Ka shakiyeen Najeeriyaan Daroogo gado) haddii uu Ardaygu yiraa maalinta waan xanuunsanaa waxaa laga rabaa warqadii isbitaalka. sidaa Darteed Ardaygu Cashar kama maqnaan Karo.

Ardayda Somalidu Badanaa waxa ey bartaan Maadooyinka: Aviation, engineering, Management iyo economics.

Waxa ey leedahay Jaamacadda heererka wax barasho ee Bsc, BA, MA iyo PhD. Qiimaha wax barashada iyo Noloshu waa Bsc, BA = 14-16000$ Afarta Sanno. MA waa 5-7000$ Labada Sanno Nolosha iyo waxbarashadu. Ardaygu marka uu Soo dalbado Jaamacda waxaa laga qaadaa Imtixaan kooban, inta uu Dalkiisa joogo, markii la ogolaado ayuu Soo hormarinayaa Hal Sanno 1500$ , kadib ayaa ogolaashada iyo Visaha loogu diraa Safaarada Dalka ugu dhaw, isagana DHL ayaa loogu Soo diraa.

Guud ahaan Thailand waxaa Jooga 50 Arday oo Somali ah, 100 Qaxooti ah iyo 50 Xabsiya Ku jirto oo tahtiib ah, line- sugayaaal, haddii aad tiraa war Anigaa Ku damiinanayo ee Xabsiga Ka Soo Bax aan Dalkii kuu celiyo taa oo la ogolyahay. Laakin kaama aqbalayaan, iyaga oo qabo Raji ah in Yurub loo qaado Mustaqbalka lamana hubi. Qaxootiga is diiwaan galiyay waxa ey u badan yihiin, Somalida waqooyiga iyo Somalida Ethiopia oo sheegtay in ey Mogadishu Xabbad uga Soo carareen, in kasta oo qaarkood eynan weligood Xamar tagin. Rajada in Qaxooti laguu qaadana ma ahan wax la aamini karo, Rajaduna waa Riyo, inta badan.

Ardayda 50 Ka ah ee wax Ku barta Thailand, inta Ka timid punt land & Somali land waa 15. Halka 35na ey Ka yimaadeen koofurta kale, laakin kuma jirto Koofur galbeed, waxaan kula talin lahaa waalidiinta Reer KG in ey Doorkooda buuxiyaan Ardaydana ey fursad siiyaan,haddii ey suura gal tahay.

Dadka Dalkan 15% ayaa Muslim, in kasto oo Dowladu ey tirada yareeyso, cadaadisna la saaro Muslimiinta, mar marna ey Ku dagaalayaan Muslimiinta iyo Buuduhu koofurta Dalka.

Guud ahaan wax barasho Tayo leh iyo Arday Somaliyeed oo wada da’ yar oo Dadaalayo ayaan Ku Soo arkay Thailand.
Mar kale waan u mahad celinayaa Ardayda Somalida ee Bangkok- Thailand ee Bariga fog wax Ku barto.

Caawa waxaan u Soo hoyday Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaan u mahad celinayaa Ardaydii halkaa igu Soo dhaweeysay oo uu hor socday eng. Abdinur oo Ka mid ah Ardayda Istanbul.

FG: kama socdo, Dowlad ama Urur, waa socdaal Madax banaan, iyo Martiqaad shakhsiyeed oo aan Ka helay Arday iyo ururo Madax banaan. Dhamaantood waan u mahadcelinayaa iyo Saaxiibadeydii Somalida ee iga caawiyay Sahaayda Safar qeyb ahaan. passport- keyguna waa Isla kii Caadi ahaa.

Qore: Yahya Amir