Saraakii milateri oo booqatay deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

Waxaa soconaya dadaallo lagu joojinayo colaada Labo beellood oo wada degga deeganno hoostaga gobolka Mudug oo maalmihii ugu danbeeyay dagaallo culus oo dhaxmaray ay ku dhinteen ku dhawaad 50 ruux Ruux.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha qeybta 21 aad gobollada dhexe ayaa lagu wadaa inay tagaan deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ah halka ay ka dhaceen dagaalladii ugu cuslaa ee labada beellood dhaxmaray, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulsahda ayaa horay u soo jeediyay baaqyo nabaddeed oo loo diray dhinacyada dirirtu u dhaxeyso, laakiin waxaa muuqatay in dagaalladu halkoodii ka soo socdeen taasoo keentay markii danbe in ay fara-galiyaan ciidamada xoogga dalka.