Heshiis Buuxa oo laga gaaray Colaad beeleed ka taagneyd gobolka Mudug.

Muqdisho:-Taliyaha Ciidanka Dhulka jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku guuleeystay inuu isku keeno waxgaradka Degaanada Towfiiq iyo Af-barwaaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Kulamo ka dhacay Af-barwaaqo iyo Towfiiq ayaa lagu xaliyey colaado soo noq-noqday oo ka dhacay deegaanadaas.

Taliyaha oo ka hadlay kulamadii lagu dhexdhexaadiyay waxgaradka labada beelood ayaa yiri: “ Colaadaan ayaa soo noqnoqotay, waxaana lagu rajo weenyahay in aanay dib u soo laabanin” .