Maamulka Puntland oo Taliyaha Ciidamada Lugta ka hor istaagtay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.

Muqdisho:-Maamulka Puntland ayaa is hortaagay in taliyaha Ciidamada Lugta ee Xukuumadda Soomaaliya C/Xamiid Maxamed Dirir iyo taliska qaybta 21-aad ee Ciimadada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gudaha u galaan deegaanka Towfiiq ee maalmahan ay xiisaddu ka taagnayd.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug gaar ahaan Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa horey u gaaray deegaanka Towfiiq, kuwaas oo sida la sheegay u jeedkoodu ahaa inay is hortaagaan soo gelitaanka deeganka Towfiiq wafdigan uu horkacayo Taliyaha Ciidamada Dhulka .

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dadka deegaanka ay arrinatn ku eedeeyeen maamulka Puntland isla markaasina ay ka diideen masuuliyiintaasi, taas oo sababtay in ugu dambayn wafdiga taliayaha ay si nabad ah ku gaadhaan.

Dadka deegaanka ayaa tilaamay in ay nabad doonayaan oo Puntland ay ku fashilantay in ay soo afjarto xiisaddii ka taagnayd qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa markii uu gaadhay deegaanka Towfiiq waxa uu bilabay in uu kulamo la qaato odayaasha,waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si uu ugu qanciyo in nabada la isla qaato.