Dowladda Soomaaliya oo dib u balaarin ku samaynaysa Garoonka Aadan Cadde.

Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in dib u habayn lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airpor, isla markaasina la baalaadhin doono dhulka uu ku fadhiyo, si taas loo helana ay muhiim tahay in la aaso qayb ka mid ah badda inta ka agdhaw garoonka.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa maanta waxa uu arintan ka shaaciyay mar uu la hadlayay Televition-ka Qaranka Soomaaliya

Garoonka diyaradaha ayuu ku sheegay wasiirka in haatan uu aad uyaryahay baaxaddiisa maadaama diyaarado dhowr ah oo caalami ah ay duulimaadyo kasmaeeyaan xiligaan sidaa darteedan ay keentay in loo dhaqaaqo bishaan gudaheeda dhismaha gaaronka qeybta xigta badda.

Intaa waxa uu ku daray in dhismahaan ay fulin doonto shirkadda favori ee maamusha garoonka Aadan Cadde kaddib heshiisyo dowladda ay la geshay.