Dagaal u dhaxeya Dad Xoola Dhaqata ah iyo Al-Shabaab oo Ka socda Gobolka Gedo.

Wararka laga healayo deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa Alshababa iyo dadka deegaanka eek u nool halkaas.

Xiisadaan ayaa si gaar ah uga taagan deegaano ay ka mid tahay Ceel Cadde iyada oo dadka deegaanka Alshababa ay halis ugu jiraan in ay is fara saaraan kadib markii sida la sheegay Alshabab Xoola dhaqatada ay weydiisteen Xoolo hase’ahaate ay ka biya diideen.

Alshabaab ayaa la sheegay in qaar ka mid ah dadkii ka hor yimid go’aankooda ay xireen isla markaana xabsi ay ku jiraan taas oo sii xoojisay xiisadda u dhaxeysa dadkaan u badan Xoola dhaqatada iyo Alshabaab.