Ciidamada Puntland oo Howlgal Dad lagu soo qabtay ka Sameeyay Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka maamulka Puntland howlgal dad lagu soo qabtay ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii gelinkii dambe ee shalay Israsaaseyn suuq ku yaalla magaalada ay ku dhex martay koox hubaysan iyo sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Puntlnad oo xiligaas ku guda jiray waajibaadkiisa shaqo.

Dhowr qof oo u badan dhalinyaro ayaa la sheegay in uu saameeyay howlgalkaan laguna qabtay iyada oo qaarkood loo gudbiyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso si baaritaano loogu sameeyo.