Ar maxaa Mucaarad dheexaa uu isku riday Jini aanan heeyn=Nasashada Jimcaha.Q-178=

1-Naag weliba Ninkeeda ayeey ka jeceshahay Caruurteeda, Sabab , Caruurteeda waxa ey ku aamini kartaa Naag Deriska ah, Laakin Ninkeeda kuma aamini karto.

( Masuul Maamul Gobaleed, Gabalkiisa ayuu ka jecel yahay, Gobalada kale ee isla maamulkiisa ah,laakin kuwa kale Albaaka iyo Daaqada ayuu ka xirtaa. F.S: 1aad)

2-Nin Reer Gaalkacyo ahaa oo ka mid ahaa Akhyaarta Magaalada ayaa tagay Shiinaha, isaga oo la socdo Arday Somali ah, ayuu Jarnjarta kaligeed soconeeyso ku simbiririxday. Waana markii ugu horeysay ee uu arko Jarnjar noocaa ah. Xoogaa kadib ayuu mar kale ku simbiririxday. Markaa ayuu yiri: iga walloo injeneerka Jaranjartaan Sameeyay in uunan waxba aqoon, Farsamada Jarn jarta ayuu meela badan ka khalday.( F.S: 2aad)

(Wasiir Xilkii ugu horeeyay ee uu Dowlad u qabto uu ahaa wasiirnimo, ilaaheey Agaasime hoos tago kaama dhigo, wixii isag ka khaldamo oo dhami waa adiga farsama xumidaada)

3-Haddii Adiga oo taagan Nin aad u gaaban uu ku yiraa: Timahaagu waa qurux badan yihiin. Iska Fiiri Sinyeerka – Zip-ka, illeeyn Timahaaga Sare maba arki karyo.( F.S: 3aad)

( wasiir ayaa Dumaashigii oo aan meel dheer wax ka fahmi karin, ka dhigtay la taliyaha xiriirka Dibadda & Qorsheeynta. Wasiir kani Tolka & Gurigaaga ka xagga wax kama arko ee howl Qaran ha u dirin).

4-Nin Reer Gaalkacyood ah ayaa shil galay, Digfeer Hospital ayaa la geeyay, markii uu soo miirsaday ayuu Daaqada ka arkay 15 Gabdhood oo ah kalkaaliyayaal Caafimaad oo Turki ah oo dhar cad cad wato, waxa uu u maleeyay in Jannada uu ku jiro. Shaatigii ayuu Siibtay, Macawistiina meel ayuu saartay. Kuna yiri: Xaasaskeeyga Xuurul ceeynta ahoow. waad iga badan tihiin ee Mid mid iigu imaada. ( F.S: 4aad)

( Nin Qurbaha ka yimid oo Xil loo dhiibay, ayaa Xisaabiyihii ku yiri: war hantidaan Anigaa masuul ka ah, waana iga badan tahay ee maalinba Hal account Lacag iiga soo bixi)

5- Naag ayaa soo ogaatay in Ninkeedu uu qabo xaas kale oo qarsoodi ahaa. waxa ey isku riday Jini aanan heeyn, waxa uu u geeyay Nin Jiniga tacbo, iyada oo iska yeel yeelee ayeey ku tiri: waxaan ahay wiil uu dhalay Boqorka Jinigu, Naag insi ah oo ii dooneed ayaa Ninkeedu iga guursaday. Waxaa lagu yiri: Ka bax naagtaan haddii kale qur’aan ayaa laguugu gubayaa.

Waxa ey tiri: haddii aan ka baxo Ninkeeda ayaan u wareegayaa, haddii uuna ii ballan qaadin in uu Naagtii ii dooneyd uu furayo, weligiina uunan Guursneeyn Naag kale oo aan aheeyn Farastaan aan ka dhax hadlayo. Ninkii waa ballan qaaday isaga oo giriirayo. Xaaskiisii oo markii horeba is yeelyeeleysay ayaa tiri: Maxaa dhacay?, yaa halkaan i keenay?. ( F.S: 5aad)

( Ar maxaa Mucaarad dheexaa uu isku riday Jini aanan heeyn)

6- Nin ayaa isaga oo Akhyaar u sheekeeynayo waxa uu ku yiri: Haweeneyda halkaa maree ma taqaaniin?. Haddaad ogaan leheedeen Geesiyad ey tahay waad yaabi leheedeen. Waxa ey ku yiraahdeen ,maxeey sameeysay?. Waxa uu yiri: Habeenkii haddii ey Duqeeda is Murmaan, Kab ayeey soo qaadataa oo Madaxa uga garaacdaa. Waxaa lagu yiri: Sideed ku ogaatay? waxa uu yiri: Sideen ku ogaan waayay soow Anigu ma ihi kan Kabta lagu garaaco.

( Masuul ayaa yiri: dhalin yaradaasi Hoteelka ey galaan waa lagu kala cararaa. Waxaa lagu yiri: sideed ku ogaatay?. waxa uu yiri: Afar Hotel ayaa uga soo qaxay)

Qore: Yahya Amir