Wasiirka Maaliyadda iyo James Swan oo ka hadlay habeynta iyo hormarka Maaliyadda Dalka.

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay Wakiilka Qamada Midoobe ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

Wasiir Beyle iyo Ambassador James Swan, ayaa kawada hadlay dib u habeynta iyo hormurka maaliyadda Dalka, iyadoo la adeegsanayo hanaanka SMP4.

“Kulan muhiim ah ayaan Maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula yeeshay wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Christopher Swan oo aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta iyo horumarka maaliyadda Dalka iyadoo la adeegsanayo hanaanka SMP4 .”

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay wada shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee ay hay’adaha Qaramada midoobay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.