Maxaa looga hadlay shirka amniga Caasimadda oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir.

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), ayaa sheegay in la iskula xisaabtami doono sugidda amniga Caasimadd.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shirka amniga Caasimadda oo Maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabad-gelyda Caasimadda.

Shirka oo ay ka qayb galeen Saraakiisha u xil-saaran amniga Caasimadda ayaa lagu soo qaaday weerarkii ay Argagixisadu ka geysteen dhowaan Hotel SYL.