Casharkii ay Ardaydu i siiyeen !!!.

Ardaydu, waxaa ey igu yiraahdeen waxaan Ku geeyneynaa Gobalka “Dumnoena Saduak” ee waqooyoga Dalka Thailand, isku diyaari Safar qaadanayo 170km.

Magaalada Bangkok waa Ka qurxan tahay Caasimadaha Yurub qaarkood Dhinaca wadooyinka iyo Dhismaha.(F.S: 1aad)

Safarkii waxa uu Ka bilaawday Qolkeeyga Hotelka ( F.S: 2aad). Waxaan qaadanay Taxi, hor yiil Hotelka ( F.S: 3aad) Safar aad u dheer kadib waxaan tagnay Suuqa Sabeeynayo, “Floating Boat Market” waa suuq Ku yaal Doomo Dushood, guryuhuna ey Ka dhisan yihiin Biyaha dushooda. Doomaha ayaa ah xarumo Ganacsi, Muddo dheer ayuu nagu qaatay Safarkii aan Ku safarnay Doomaha ( F.S: 4-6 aad). Kadibna waxaan tagnay warshada Qumbaha Ka sameeyso Sokorta ( F S: 7aad).

Halkaa waxaa Ka bilaawday qeybtii 3aad ee Safarka, waxaan tagnay Busteejada laga raaco Maroodiga, waxa aan dul saameeyn Maroodiga Saacado badan, oo uu nala soo maray waddo dheer, meelaha qaarna Biyo ayuu dhax jiirayay ( F.S: 8-12).
kadibna waxaan booqanay halka lagu rabaayeeyo Maroodiyaasha yar yar ( F.S:13).
Waxaa iigu darneeyd markii eey Shabeel nool oo run ah Qol igula xireen ( F.S: 14-15).
Kadibna waxaan tagnay Macaabidda Buudaha halka ey wax Ku caabudaan ( 16-20), ma lahan Dadka Buuduhu Qabuuro, Meydka oo dhana waa la gubaan.

Ugu Dambeeyn waxaan tagnay Magaalada ey degan yihiin Dadka Aduunka ugu qoorta dheer ( quruxeey Xaal qaado) waxa ey aaminsan yihiin in Gabadha qoorta dheer oo Madaxda yar ey qurux tahay, waa Dad gaagaaban oo Caato ah. Inta ey Gabadhu yar tahay ayaa qoorta loogu xiraa birta lagu dheereeynayo qoorta, si Luquntu u dheeraaato, haddii laga siibo waaba dhimanee oo Qoortii ayaa Soo dhecee, waa Dad iska faraxsan, kana ganacsado dhar ey Gacantooda Ku sameeyeen.( F.S: 21-28)

Yaanan war kugu badin, in aan toos uga sheekeeysano ma ogiye, qoraal kuma Soo koobi Karo. Dib ayaan Galabtii ugu Soo noqonay Magaalada Bangkok.

Waa Ku mahadsanyihiin Ardayda Somalidu Casharkii waaya aragnimada lahaa oo ey Maanta i Soo siiyeen oo la’aantood eyna suuragal ii noqoteen in aan Casharkaa waaya aragnimadaa helo.

Waa noo Berri iyo Istanbul- Turkiga, Haddii ALLA idmo. Waxaa isugaya 11 Saacadood oo duulimaad Xiriira ah, Non stop flight.

Qore: Yahya Amir