Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano ka mid ah Degmada Afgooye.

Afgooye:-Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose waxaa maanta ka bilaawday barakac ay samynayaan dadka deegaanka kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Xaafadaha kala ah Damaley, Baal-Guri iyo Aaytire oo ka wada tirsan degmada Afgooye ayaa waxaa gudaha u galay biyo uu ku fatahay wabiga Shabeelle, waxaana barakac bilaabay qoysaskii deganaa xaafahada uu wabigu ku fatahay.

Dhanka kale fahataada Wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye ayaa waxaa uu sameeyey guryo ay deganaayeen dad shacab ah, kuwaas oo biyuhu ay galeen waxaana ka bilaawday barakac ay sameynayaan dadku oo guryaha ay alaabta uga raranayaan.