Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyay.

Muqdisho:-Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa howlgal khasaare uu ka soo gaarey maleeshiyada argagixisada Al-shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya

Xogo ay Warbaahinta ka heshey saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaasi ayaa xaqiijinaya in horjooge sare oo ka tirsanaa alqaa’idada Soomaaliya ee Shabaab lagu dilay duqeyn 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ka dhacday meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

Howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaanu jirin waxyeelo ay ka soo gaartay dadka rayidka ah,kadib markii ciidamadu ay si taxadir leh u fuliyeen howlgalkaasi.

Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo kuwo AMISOM ayaa guulo waaweyn ka soo hooyay howlgalo ka dhacay qeybo kamid ah gobalada Dalka,waxaan howlgalada oo inta badan lagu beegsanayay horjoogayaasha Shabaab ay yereeyeen weeraro badan oo Alshabaab ay ku dhibaatayn lahaayen shacabka.