Nabad sugida Kenya oo soo bandhigtay magaca ninkii hoggaaminayey weerarkii Wajeer.

Muqdisho:-Sir-doonka dowladda Kenya ayaa shaaciyey in Macalin iskuul oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas uu hoggaaminayey weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bas ah oo marayey Wajeer, kaas oo lagu dilay 13 qof oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Xasan, wuxuuna macalin ka ahaa Dugsi Hoose oo ku yaalla degmada Wajeer, waxaana warbixinta lagu sheegay in ninkan ay horay uga shakiyeen laamaha ammaanka Kenya, balse markii danbe u soo safray gudaha Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxayna sheegeen inay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, sidoo kale Kenya ayaa iyaduna dhankeeda qirtay in saraakiil ka tirsan ciidankeeda booliska ay u badnaayeen dadkii halkaas looga dilay.