Muqdisho oo loo Aqoonsadey Magaalada ugu Koritaanka Badan Magaalooyinka Geeska Africa!!!

Dhulka ayay ka soo kacday, dhawr sanno ka hor bur-bur iyo baa-ba ‘a lixaad leh ayaa ka muuqday, Dhismo dumay, Waddo ja-jaban, Baalle qaloocan, Fiilo dhulka daadsan, Qashin iyo Fool-xumooyin kale ayaa lagu arki jirey Magaalada Muqdisho.

Nasiib wanaag Shantii sanno ee ugu dambaysay Muqdisho waxay samaysay isbadal & horumar lagu faani karo, Mugdigii waxay ku badashay Iftiin, Xumaantii ayaa suushay, qurux iyo dhal-dhalaal ayaa meel walba ka soo iftiimay!

Xaqiiqdii Muqdisho haatan waa magaalo shidan oo aan innaba caadi aheyn, farxad ayaa dareemaysaa marka aad u dhaa-dhacdo faras magaalaheeda, muuqaalo cajaa’ib badan oo ku soo jiidanayo ayaa ishaada buuxinayo, ha ka dhex bixin ayaa ku qabanyso, habeenkii & maalintii kalama dhacdo, Xilli kasta waa Nuuraysaa.

Hotelo caalamii ah, Dhismayaal dhaa-dheer, baarrar casri ah, waddooyin nadiif ah, beero nasasho, goobo loo dalxiis tago, Mallal Waa-weyn, xeeb aan laga xiiso dhaceyn, xarumo shidaal, Bangiyo, Super Market-yo & adeeg kasta oo aad u baahato ayaa magalaada Muqdisho ku soo korday!

Shalay maanta ma aha, Muqdisho haddii ay shalay burburtay maanta dib ayay u soo hanatay kaalinteedii hore, 100% Muqdisho waa ka horeysaa magaalo walba oo Soomaaliyeed, hambalyo waxaa mudan dadkeeda oo dib u dhisay magaaladooda.

Qiimeyn dhawaan ka soo baxday Hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan la socodka magaalooyinka caalamka ayaa qirey inay Muqdisho samaysay Horumar la taaban karo, iyaga oo caddeeyay sannadka 2019 inay Muqdisho noqotay Magaalada ugu Koritaanka badan magaalooyinka Geeska Africa.

WD:C/Laahi Shiikhaalow