Madasha Xisbiyada Qaran oo warsaxaafadeed ka soo saartay Dagaalada ka socda G/Mudug.

Muqdisho:-Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee bartamaha dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiyada Qaran,isla markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha madasha, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa baaq nabadeed loogu diray beelaha uu dagaalkaasi u dhaxeeyo,isla markaana wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal.

Sidoo kale waxay ku baaqday cid kasta oo ka qeyb qaadan karta daminta colaadaasi inay u istaagto, si looga hortagto dhiig mar kale ku daata deegaanada lagu dagaalamay maalmihii la soo dhaafay.

Xiisada u dhexeyasa labadaan maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamullada dariska ah ee Puntland iyo Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo dhaca bariga gobolka Mudug.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Madasha: