Kooxo Hubaysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Deegaanka Wanla-weyn.

Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay waxaa ay dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geysteen gudaha degmada Wanla weyn ee gobolka shabeellada Hoose.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maleeshiyo hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Walanweyn,isla markaana ay dileen Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Cirbad, halka qof kalana ay halkaasi ku dhaawaceen.

Weerarka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil oo maalmahaan ka taagneyd degmada Walanweyn,isla markaana dadkii ka dambeeyey falkaan ay baxsadeen, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolka Shabellada Hoose.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka shabeellada Hoose.