Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Qarax lagula beegsaday Muqdisho

Muqdisho:-Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa goor dhaw qarax nuuciisa lagu sheegay miinada nuuca dhulka lagu aaso waxaa lagula eegtay aagga Isbartiibada ee magaalada Muqdisho.


Weli lama xaqiijin khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxaas, balse qaraxa kadib ayey ciidamadu rasaas ku fureen dadkii shacabka ahaa ee ka ag dhawaa goobta.

Rasaasta ay fureen qaraxa kadib ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay khasaare u geysatay dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ku haleelay.

Dhanka kale Dad ka agdhawaa ayaa sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaari booyad ah oo ka mid ahaa gadiidkii ay wateen kolonyada AMISOM, waxaana wali la xaqiiji karin khasaaraha rasmiga ah ee dadka rayidka ah ka soo gaaray rasaastaas, waxaana goobta gaaray ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya.