Ciidamada Maamulka Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay nin dil ka geystay Magaalada Kismaaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ay kusoo qabteen Nin habeen ka hor Magaalada Kismaayo dil ka geystay.

Qoraalka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ninkaan uu Kismaayo ku dilay Askari lagu Magacaabi jiray Maxamed Yare,isla markaana uu ka qaatay qori uu watay,sidaasina Ciidamada Jubbaland ay kusoo qabteen 24 Saac kaddib markii uu falkaasi geystay.

Nabad Sugida Jubaland ayaa soo bandhigtay Sawirka nin ay sheegtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, kaasoo todobaadkan dil u geystay askari Ciidan.

Ciidamada Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay howgalo ku baadi goobayaan Al-Shabaab ay ka wadaan Xaafadaha magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.