Al-Shabaab oo ka dhex dagaalamaya Hotelka SYL ee Muqdisho

Xubno la rumaysanyahay inay ka tirsanyiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL oo aad ugu dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa ilaalada Hotelka ayaa la tacaalaya weerarka oo ka socda gudaha Hotelka.

Gudaha Hotelka ayaa laga maqlayaa rasaas xoog leh iyo Bambo gacmeed ay isku adeegsanayaan askarta iyo dagaalyahanada gudaha u galay Hotelka.

Ragga galay Hotelka oo aan wali la xaqiiji karin tiradooda ayaa la sheegay inay xirnaayeen Tuutaha ciidanka booliska Soomaaliya.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan maadaama uu wali socdo.

Wixii ka soo kordhaa halkaan inagala socda