Waa Maxay Wadaniyad?

Taariikhda waxaa lagu Qoray in wadanimada tahay dhaqdhaqaa xagjira oo difaaca dalka oo astaan milateri leh waa sida ay sheegtaan kooxaha dhaqdhaqaayada wadaniyiiinta ama asal raaca ah.

Sidii dhaqdhaqaaqii Hitler (Nazism) iyo kacaano badan oo aduunka ka dhashay waxaa laga dhigaa kacaan ay dhaliyeen dad wadaniyiin ah.

Ereyga wadaniyada waa mid macnihiisa si fudud loogu jahwareero macnaha wadaniyad ee areyga macnihiisa saxda ah maaha in hal koox dalka oo dhan qaadato iyadoo
Dadka dalka ku qasbaysa in iyaga loo wada ekaado. Loona heeso oo amaan iyo kabo qaad la isugu daro, diintana sidey doonayaan iyaga loogu fadwoodo.

Sidii kooxdii dhalisay kacaankii 21 oktoobar waxay Manhajka waxbarashada soomaaliya ku qoreen inay yihiin wadaniyiinta soomaaliyeed oo dhalinyaradii wax baranaysay ka khaldeen macnaha wadaniyad iyagoo kaalintii halgamayashii soomaaliyeed iyo taariikhda dalka aan si dhex dhexaad ugu qorin jiilalkii Soomaaliyeed ee u oomanaa inay taariikhda iyo dhaxalka dalkooda ay ka helaan fikir saxan. Taasoo jahwareer iyo masiibo hore ku noqotay xoojinta identity:ga dadka soomaaliyeed.

Marka macnaha saxda ah ee wadaniyad waa dadka muwadiniinta ee dal ku wada nool ay wadaagi karaan fikirka, siyaasada, dhaqanka, luuqada, taariikhda, diinta iyo sugaanta si isku mid ah.

Dadka waxa wadaniyada lagu abuuri karaa marka qofka uu dareemo, cadaalad, sinnaan, amni, masalaad siyaasadeed iyo xoriyad uu ku cabiro fikirkiisa si xor ah oo aan cabsi iyo xadgudub uusan dareemeynin, markaas waxaa dhalanaya dal jaceyl iyo in danta guud si isku si loo difaaco oo danta iyo hiigsiga qaranka cidii rabta inay bur buriso
si wadajir looga horyimaado oo la isaga qabto.

Marka sow ma wanaagsana inaan kala barano wadaniyada dhabta ah iyo muxaafidnimo ama guulwadanimada ninjecelysiga ku saleysan ama koox gaar ah lagu ixtiraamayo?

Danjire Maxamed Caalim