Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Askari dilay Haweeney Ganacsata ahayd.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun dil toogahso ah ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda,kaas oo la sheegay in uu diley Haweeney Ganacsato aheyd.

Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhaca dadka, waxaa uu u sheegay Maxkamadda in uu  sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee  gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed.

Markaatiyaal  afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya  dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumada Dhibaay Maleele Maxamed.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.