Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddada isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Xamar Jajab+Sawirro

Muqdisho:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax dhigay waddada isku xirto degmooyinka Xamar Jajab iyo Shingaani.

Dhismaha Waddadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka ayaa waxey ka soo bilaabataa Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhismaha waddooyinka burbursan ee Magaalada Muqdisho.

Dhagax dhigga waddadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane, Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere),qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xiriiriyaha guud ee Gobolka.