Dagaal Qaraar oo mar kale ka bilowday saakay Deegaanoka mid ah Gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Degmada Af-Barwaaqo ee bariga Gobolka Mudug uu saakay mar kale halkaas uu dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya Meleeshiyo beeleed hubeysan.

Dagaalkan ayaa wuxuu sigaar ah uga socdaa deegaanka Towfiiq, waxaana lagu soo waramayaa inuu yahay dagaalka mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa u dhexeeyay Colaad, iyagoona tan iyo makii uu todobaadkii la soo dhaafay uu dagaalka bilowday aysan jirin cid kala dhexgashay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro, inkastoo weli aan la xaqiijin inta uu la egyahay, waxaana labada dhinac ay wadaan hub isku uruursi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo Colaadka kasoo cusboonaatay deegaanada hoostaga Af-Barwaaqo, hayeeshee ma jiro tallaabo la qaaday oo ku aadan joojinta Colaada.