Yusuf Abdow ”DIINTU WAA NASTEEXO!…”

Waaa adduun isdaba marey una baahan in tillaabo kasto laga fiirsado. Waxaa arrintaan ay si toosa u taabatay dhowr muwaadin oo soomali ah soomaalida agtoodana qaali ka ah. Walaalahaan xaaladahooda way kala duwan yihiin balse labay arrin bey wadaagaan diin iyo isfaham la’aan. Waxayna walaalhaa kala yihiin, Sheekh umul, Sheekh Shibili, Sheekh Keenyaawi iyo wallaalkeenna siyaasiga ah mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Soomaalidu waxay tiraahdaa hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday. Qalad u fahankana sidiisaba waa labo. Qalad u fahan daacada iyo mid xumaatashiila. Balse waxaa muhiim ah in qofka intaanan la xukumin isagana la dhageysto sida diinteennaba na fareyso mar kastana leysu cudurdaaro, xitaa loo raadiyo cudurdaar qofka intaan la wareysan.

Haddaan ku horeeyo Sheekh Umul xafiduhu ALLAAH maalintii walaasheen mudane wasiir Maryan ay Muqdisho isku casishay iyadoo weliba sheegtay asbaabtey isu casishay ayaa si qalada loo weydiiyey sheekha su’aal isagoo weliba ka cudurdaartay ayaa su’aasha lagu celceliyey Sheekha inuu arintaa dhacday jawaab ka bixiyo, jawaabtaasoo sidaan wada ognahay si toosa u xanuujisay walaasheen iyo dad badan oo soomaali ah, welina dhallisay in dad ay sheekha arintaa uga soo horjeestaan ugana bixiyeen faalloooyin kala duwan baraha bulshada.

Tii labaad waxay ahayd tii Sheekh Shibili xafidahu ALLAAH, waan ogeyn hadalkii uu ka yiri masaladii Gaalkacyo taasoo ay dad badan oo soomaali ah ka dhiidhiyeen iyadoo inta aannu sharaxba ka bixin lagu muddaaharaaday sheekha kalmaddii afkiisa ka soo baxday oo siduu sheegay si qalada looga tarjuntay balse sida ALLAAH la ogaa uu marna sidaa ka wadin. Arrintaas oo Sheekha iyo umadda soomaaliyeed la daala dhaceen waxay ku dhamaatay iscafis. Alxamdu lillaah.

Arrintii kale waxay ahay tii dhex martay Sheekh keenyaawi xafiduhu ALLAAH(oo ah Sheekh u soo baxay dhalinyarada soomaaliyeeda) iyo dumarka soomaaliyeed oo aad ugu xirnaa Sheekha kalmad uu jeediyey oo sida sheekha ka waday siyaan ahayn loo tarjuntay aadna ay Sheekha iyo intii ku xirneyd ee dumar ahaa uga xumaadeen taasoo keentayna in uu sheekhu si weyn uga cudurdaarto, kana raalli geliyo uuna u sharaxo siduu u jecelyahay gabdhaha walaalihiisa ee somaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Waxaa xigtay oo ka xanuun yareyn tan maanta uu la daala dhacayo walaalkeen siyaasiga mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ALLAAH ha garab galee. Sidaan ka warqabno walaalkeen waxay khudbad uu ka jeediyey Jarmalka dhalisay su’aalo aad u badan oo dad badan ay ka naxeen oo ah sida loo fahmay tusaalihii xaddiis ee walaalkeen ku soo qaatay khudbaddiisii Jarmalka oo ahayd xaddiis saxiixeynka ku qoran oo uu sida uu sheegay ugu talo gelin una wadin sida loo fahmay isaga. Markuu tusaale runtii laga wanaagsanaa oo uusan hordhac sharax ka hor marin soo qaatay oo uu dhahay sidan ”Waxaan kaloon wax kale ka baran karnaa haweeneyda hoggaamisa … ee annaga dad badan oo culumada ka mida markey gabdhaha afjigayaan ama ay rabaan ineey xaqiraan ama ay rabaan markey kaalinta siyaasadda u diidaan, waxay dhahaan waa naaqisatul caqli wa diin, caqliga iyo diintey nuqsaan ka yihiin(waa xaddiiska saxiixa ah ee lagu heysto maanta), xadiisyo wada falsa ah(been ah) oo meeley ka yimaadeen aysan jiriney kitaabaha jeebaha kala soobaxaan..sacabka daawadayaasha..laakiin waa u jeednaa Jarmalka ma markii saddexaadbaa mise waa markii afaraad..?..jawaabta daawadayaasha waa markii afaraad..” Wuxuu ka hadlay Anglo Markel haweeneyda hoggaamisa Jarmalka oo uu sheegay inaaneey Jarmalka keliya xukumin oo isagoo rabay inuu ku xaqiijiyo doorka dumarka ay bulshada ku leeyhiin oo runtii ah mid muhiima Islaamkuna adkeeyey. Waana halkaan halka dhibaatadu kaga timi walaalkeen mudane Cabdiraxmaan.

Waxaa jira iyana arrima kale oo badan oo leysku qabsaday sida tusaale tii dhex martay culumada iyo professarro ka hadlay in diinta iyo dowladnimada lakala saaro.

Si loo xaqiijiyo umaddaan xarigga keliya ee u haray oo ah xarigga diinta waxaa wanaagsan inaan isu cudurdaarno, keennii xadgudbana toos loogu sheego inuu xadgudbay oo isagana qaato qaladkiisa. Si loo helo ummad is cafisa waxaa ila gudboon in walaalkeen sharaxo xaddiiska hadday caddahay inuu qalad galayna raalli gelin ka bixiyo kana towbad keeno. Culimadana waxaan jeclaan lahaa inay walaalkeen u cudurdaaraan. Sii dheereynta ama iska difaaca arintaan waxaa hubaala in cidna dan u ahayn waayo haddii la rabo in bulsho la burburiyo waxaa lagala dagaalamaa akhlaaqada annagana akhlaaqdeenna waa diinta. Waxaanan kula talinayaa walaalahayga siyaasiyiinta ee laga yaabo iney mas’alo diin tusaale mustaqbalka u soo qaataan walaalayaal sharaxa mas’alada una fool jignaada asluubta diinteenna suuban. Wabillaahi towfiiq!

Yusuf Abdow Socionom (Cilmiga bulshada) info