Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka oo maanta Hortegaya Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah taariikhduna ay ku beegan tahay 8-da December 2019 waxaa kulan xasaasi ah ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa Maanta waxaa Xildhibaanada ku hortegaya Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maalmo kahor sheegay in Wasiirada amniga iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada looga baahan yahay inay hor yimaadan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa Wasiir Oomar weydiin doona su’aallo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo xayiraadii la saaray Madaxweyneyaashii hore ee dalka.

Sidoo kale Wasiir Islow ayaa isna waxaa wax laga weydiin doonaa howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo arrimo kale oo la xiriira dhanka amniga Caasimada iyo arrimo kale.

Dhanka kale kulankan Maanta ay yeelanayan Xildhibaanada ayaa wuxuu yahay mid aan caadi aheyn, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu sirasmi ah uga furmo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa.