Panipat: Filimka cusub ee Sanjay Dutt oo Afghanistan iyo Hindiya iska horkeenay

Muranka ku saabsan dagaal dhacay qarnigii 18-aad, wuxuu markale xilligan casriga ah ku bilowday farriin Twitter-ka lagu qoray.

“Geeridu waxay la socotaa harkiisa,” ayuu yiri Sanjay Dutt, jilaga caanka ah ee Bollywood oo filimkan Panipat ku matalayay Axmed Shah Abdali, kaas oo Jimcihii la billaabay in shineemooyiinka laga daawado.

Waxaa la filayay in lagu farxo filimkan, balse taa bedelkeeda wuxuu kiciyay dhacdo caalami ah, waxaana ka xanaaqay waddan dhan oo mar taageero weyn u ahaa Bollywood.

Haddaba maxay yihiin waxyaabaha dhabta ah ee Afghanistan ruxay?

Panipat wuxuu ku saabsan yahay sheekada dagaal dhacay sannadkii 1761-dii oo u dhexeeyay boqortooyo Hindiya mamuleysay iyo ciidamo ka soo jeeday Afghanistan oo uu hoggaaminayay Axmed Shah Abdali.

Xayeysiinta filimkaas waxay daawadayaasha gelisay in si wayn ay u sugaan ayna jeclaadaan in ay daawadaan bilow illaa dhammaadka.

Laakiin, way cadeyd in khilaaf uu sababi doono: Shacabka Afghanistan, Abdali waxay u arkaan aabehii aasaasay dalkaas iyo in uu ahaa halyeey, balse dadka Hindiya wuxuu u yahay nin ku soo duulay oo dilay kumannaan ka mid ah dagaalyahannadii Maratha, kuwaas oo lagu laayay dagaalka taariikhda galay ee Panipat ee Waqooyiga Delhi.

Arjun Kapoor (L) and Kriti Sanon 

Markii lagu dhawaaqay in jilitaanka filimkan la billabayo ayuu walaaca soo bilowday. Sannadkii 2017-kii, qunsuliyadda Afghanistan ee Mumbia ayaa si toos ah ugu dacwootay wasaaradda warfaafinta ee Hindiya.

“Axmed Shah Abdali wuxuu boos weyn ku leeyahay quluubta iyo maskaxda dadka Afghanistan,” ayuu yiri Naseem Sharifi, Qusulka Afghanistan ee magaladaas.

Wuxuu inta ku daray: “Markii filimka la sameynayay, waxaan dalbanay in aan daawano ka hor intaan la shaacin. Iyadoo dadalkeena uu aad u badnaa, haddana wax jawaab ah kameynaan helin kuwa filimka sameynayo”.

Balse waxay xaaladda sii xumaatay markii ay soo dhacday farriinta Twitter-ka ee Sanjay Dutt, oo uu la socday sawir muujinaya kalinta filimkaas uu ku matalayay ee ninka ay dadka Afghanistan ugu yeeraan Axmed Shah Baba (aabo). buuqa daba socday farriintaas ayaa si degdeg ah ku bilowday.

“Waa qof xun. wax buu soo marsaday. Abdali sidaa ma ahayn. Sida uu u lebisan yahay iyo sida uu u hadlayo; xitaa ma ahan qaabka Afghanistan, wuxuu matalayaa sida qof carab ah,” ayuu yiri Elaha Walizadeh, oo blog-ga Afghanistan wax ku qora.

Illaa muddo fog, shacabka Afghanistaan waxay si weyn u taageerayeen aflaanta Bollywood, sida filimkii Khuda Gawah, ee xidigga uu ka ahaa Amitabh Bachchan oo Afghanistaan looga arko jilaa aad u wanaagsan.

Dad badan ayey aflaantaas farxad iyo rajo u ahaayeen xilligii Taliban laga soo qaxayay. Heesaha hindiga ayey aroosyada ka daaraan, way ku ciyaaraan, kuwooda ugu caansan ayey xifdiyaan, qaarkoodna luqadda Hindiga ayeyba ka barteen.

Balse markii uu soo baxay filimkii Padmaavat, sannadkii 2018-kii, kaas oo atoore ka ahaa Ranveer Singh oo matalayay Alauddin Khilji, oo ahaa boqorkii Turko-Afghan ee qarnigii 12-aad qabsaday Delhi, waxaa ka dhashay aragtiyo kala duwan.

In kastoo filimkaas dadka qaar ay taageereen, haddana wuxuu xambaarsanaa in Khilji uu ahaa hoggaamiye xun oo naxariis daran, taas oo ay ka xanaaqeen dad badan oo u dhashay Afghanistan.

Si taa la mid ah filimkii Kesari, oo 2019-kii la baahiyay ee ku saabsanaa dagaalkii dhex maray 21 askeri oo Hindi Shikh ahaa oo ka tirsanaa ciidamadii Britain ee dalkaas haysta iyo 10,000 oo askar Afghanistan u dhashay, si weyn ayaa loo cambaareeyay waxaana lagu sheegay in uu gudbinayo fikrad been ah oo lagu weji xumeynayo Afghanistan oo laga dhigayo kuwa dullaan ahaa oo dhul xoog ku qaatay.

Presentational grey line

Warbixinno kale oo la xiriira Bollywood

Presentational grey line

Qaar ka mid ah dadka dhalleeceeya aflaanta noocan ah waxay sheegayaan in muuqaal-bedelidda hoggaamiyayaashii Afghanistan in ay dhici karto in daawadayaasha Afghanistan aysan si wanaagsan uga warhayn.

Taa bedelkeeda, waxay la xiriirinayaan tirada sii kordheysa ee ah aflaanta lagu muujinayo dad aan wanaagsanayn oo Muslimiin ah, in ay tahay isku deyga madaxda Bollywood-ka ee shirkadda la xiriirinayo xisbiga talada haya ee Hindiya ee BJP – kaas oo ah xisbi Hindu ah oo ay la weyntahay qarannimada oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi.

“Waxaan haynaa xisbi ay Hindu u badan yihiin oo si caqliyeysan uga faa’ideysanaya awoodda jilicsan ee Bollywood-ka,” ayuu yiri Ankur Pathak, tafatiraha qeybta madadaalada ee wargeyska Huffington Post ee dalka Hindiya.

“Ha ahaato in ra’iisul wasaaraha oo sawirro la galaya xidigaha ugu sareeya ama uu qaban qaabinayo kulamo uu la qaato, ama haddii ay tahayba in xisbiga uu Bollywood ku dhiiragelinayo sameynta aflaan dal-dhis ah. Waxaa jirto dhiiragelin qarsoon oo aflaanta loogu muujinayo dhanka wanaagsan ee dabacsan ee Hindiya – Taasna waxay tahay fikradda Modi ee Hindiya, ama fikradda BJP ee Hindiya.”

Waa waddo halis ah ayuu hadalka ku sii daray Pathak.: “In been laga sheego bulsho waxay sababtaa dhibaato aan ka soo kabasho lahayn. Sida hadda ay wax u socdaan, waxaan u baahan nahay in la iska nadiifiyo,” ayuu yiri.

Soo saaraha aflaanta Ashutosh Gowariker wuxuu beeniyay arrimahaas.

Wuxuu sheegay: “Filimka kuma saabsana dagaal u dhexeeya Muslimiin iyo Hinduga. Wuxuu ku saabsan yahay ka hortagidda qof duullaan soo qaaday. Wuxuu ku saabsan yahay difaacidda xuduudahaaga, dhulkaaga, taasna waa qeybta wadaniyadda ee filimka. Iyadoo taa la eegayo, waxaan muujinayay in Abdali uu soo duulay, balse sharaftiisii qofnimo waan ilaalinay.”

Sharifi, Qunsulka Afghanistan ee Mumbai fadhiya, weli wuxuu ka walwalsan yahay dhibaatada uu sababi karo Panipat – in kastoo Sanjay Dutt uu xaqiijiyay in uusan doorkaa filimka ka qaadan lahayn haddii uu weji-xumeynayo Abdali.

Qunsulka oo sidoo kale lataliye u ah madaxweynaha Afghanistan, wuxuu sheegay in uu u baahan yahay guddi khubaro ah oo labada dal ka socota in ay eegaan filimka, ka hor intaan dadweynaha loo bandhigin.

BBC-da ayaa Sanjay Dutt weydiisatay in uu ka jawaabayo dhalleeceynta loo jeediyay, balse weli ma soo dirin jawaabta.

Taageerayaasha daacadda u ah Bollywood ee Afghanistan waxaa suuragal ah in filimkan ay ka niyad jabaan.

“Taariikh ahaan, aflanta Hindiya waxay aasaas u ahaayeen xoojinta xiriirka Indo-Afghan,” ayuu yiri Dr Shaida Abdali, safiirkii hore ee Afghanistan u qaabilsanaa Hindiya, oo farriin soo dhigay twitter-kiisa.

“Waxaan ad u rajeynayaa in arrintaas niyadda lagu hayo marka filimka ‘Panipat’ la bandhigayo, in xaqiiqada ay tahay in qeybtan ay ka hadlayso taariikhda muhiimka ah ee inaga dhexeysa!”

Xigasho:BBCSomali