Kooxo hubeysan oo gaari dad Shacab ah saaran yihiin ku rasaaseeyay Gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay xalay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ay ku rasaaseeyeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay wadada u dhaxeysa Gelinsoor iyo Gaalkacyo,taas oo sababtay Khasaaro kala duwan.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka yimid deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Mudug,wuxuuna ku sii jeeday Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in rasaasta gaariga lagu furay uu ku geeriyooday hal ruux halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta gaarigaas loo rasaaseeyey iyo dadka ka dambeeyey falkaas,waxaana uu noqonayaa falkii labaad ee muddo todobaad gudihiis ah ka dhaca wadada u dhaxeysa deegaanka Dagaari ee Gobolka Mudug iyo Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale laamaha ammaanka Gobolka Mudug ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falkaan foosha xun