Rag Hubeysan oo dil ka geysatay gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay goor dhow kooxo hubeysan ka geysteen gudaha suuqa Bakaaraha.

Wararka aan ka heleyno Suuqa weyne Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw koox Hubaysan ay ku dishay nin oday ahaa.

Dad goobta ka ag dhawaa markii uu dilku dhacayey ayaa sheegay in dilkaas uu ka dhacay qeybta daawada ee suuqa Bakaaraha, isla markaana ay goobta ka baxsadeen kooxdii geysatay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in meesha uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay goobta uu dilku ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in marxuumka la dilay uu ka mid ahaa dallaaleyda Suuqa, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.