Ku: Ardayda Somaaliyeed.=Warbixin Muhiim ah ee aqri=

Ujeedo: mid Ka mid ah ujeedooyinka Safarkeyga.

Wallaala yaaloow aan Runta isku sheegno.

Ardayda Jaamacadaha Dalka Cambodia kama Aqoon badna Ardayda Somaliya Joogto Gobalada iyo Caasimadaba.

Aqoonta Ardaygu waxa ey Ku xirantahay isagu sida uu u dadaalo, Macalinkiisu sida uu wax u baro, waalidku sida uu uga warqabo, iyo Dowladu sida ey u tixgaliso, iyo Ardaygu in uu ALLA tala saarto.

Maanta 6/12/2019 waxaan arkay Ardayda Cambodia waana qiimeeyay.( F.S:1 & 2 aad)

Markii aan Halkaan Soo aadayay waxaa CPCS ey ii caauumeen Shakhsi ahaan, waxaan Ku iri igu casuuma magac Jaamacad Somaliya Ku taal. waxaan tagay Jaamacd Ku taal Mogadishu, Xiriir gaar ahna Nagama dhexeeyn, waan u sheegay in aan Magacooda Suuq geeyo, 20 Barashuur oo Ka hadlayo Jaamacada ayaan Ka Soo qaaday, Halkaan ayaan Ku baray Dadkii ila joogay oo Ka yimid dhowr wadan.

Hore Jaamacad kale oo Somaliya Ku taal ayaan Magaceeda Suuq geeyay iyaga oo aan ii dirsan, Jaamacd dibadaa oo aan u tagay ayaan la Soo galay Heshiis aan Wax u dhimeeyn Labada dhinac oo ah in ey Mustaqbalka Aqoonta ey is dhaafsadaan, Ardayda Labada Jaamacaddana la wada Aqoonsado shahadadooda, Heshiiskiina waxaan u keenay Jaamacdii Mogadisho Ku tiil.

Mar kale Prof. Kennedy one, oo wax Ka dhiga Jaamacda Kansas ee USA ayaan isku Duruus gaar ah wada siinay min 10 Arday oo wax Ku Kala barta Somaliya iyo USA, course kii markii uu dhmaaday ayaan Intixaan isku mid ah Ka wada qaadnnay , isagii ayaan Ku iri bal markaan Adigu sax, waxaa Buunda badiyay kuwii Somalia.

War Ardayda Somaliya yaan la niyad jabin, sidii loo hagraayay oo been loogu sheegay ayeey is yiraahdeen waa la idinka Aqoon badan yahay.

War runta aan isku sheegno, duruufa Kala duwan ha jireen, laakin Dadku waa isku mid, Aqoontuna kuma xirno Dalka aad Joogto ee waa Dadaalka Qofka iyo Tixgalinta Qaranka.

Waxaan Ka codsanaa wasaaradaha wax barashada, heer Gobal iyo heer Qaranba, Daladaha wax barasho iyo Jaamacaduhuba in ey Xil iska saartaan, Ardayga in la dhiso Diin ahaan, Dad ahaan, Somali ahaan iyo Qof ahaanba. Lagana ilaaliyo shakhsiyaadka Madax iyo maamulba leh ee Ka dhaadhacsiinayo been ah: Dalka Aqoonu ma jirto, Luqadda ingriiska kuma fiicnid. Ku Dibadda kusoo saaqiday oo Jaamacda liidata shahaado Ka Soo qaatay ama Shahaado Been Abuur ah Ku faanayo, iyo kuwa Dalka ka furtay Jaamacado Ganacsi oo aan Ka fekerin tayeeynta iyo Mustaqbalka Jaamacada iyo Ardayga.

FG: Taasi waa aragtideeyda qofeed, waa Yaxye, Miskiinkii Agoonka ahaa oo Run ahaantiina Aqoonta yaraa .
Nafteeyda been u sheegi maayo Adigana been kuu sheegi maayo, aan ALLA Ka cabsano oo aan qiimeeyno Ardaydeena marka ey wax baranayaan iyo marka ey shaqa tagayaanba mudnaan cadaalad Ku dhisana hala siiyo.

Waxaan u mahad celinayaa intii ii Soo duceeysay markii aan Soo galayay safarkaan dheer iyo Saxiibadeey Faarax, Cali, Osman iyo Jacfar oo iga saaciday Dhinaca tala siinta iyo Sahaayda Safarka.

Haddii mar kale Ardayda Somalida la iga liido oo laga been sheego, Maroodiga ayaan iska Soo tuurayaa …. Kkkk waa kaftan.( F.S: 3aad). Wixii igu Soo kordho inta aan Safarka Ku jiro, si daacda ah oo walaalnimo ah ayaan ula wadaagayaa , Saxiibadeeyda Face book… ALLA idinkiis.

Qore: Yahya Amir