Dhismaha Madxafka Qaranka oo meel gabo gabo ah maraya.

Muqdisho:-Dib u dhiska Madxafka Qaranka ayaa maraya qeybihii ugu dambeeyay, iyado laga soo qabtay shaqooyin baaxad leh oo ay shaqalaha rayidka ee dowlada Soomaaliya qaateen doorka ugu weyn ee lagu dhisayo xarumaha Danta guud ee dalka, gaar ahaan kuwooda ugu muhiimsan ee ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay.

Waxaa soconaya kaltanka tobnaad ee Hay’adaha Dowladda Soomaaliya shaqaalahooda ay kaga qeyb qaadanayaan barnaamijka Isxilqaan, waxaana maanta doorkooda isxilqaan qaatay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya, iyagoo ka howlgalay dhismaha madxafka Qaranka.

Agaasimaha guud ee Wasaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Faruuq Sheekh Cabdicasiis oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlwadeennada Wasaaraddu ay maanta ka qeyb qaataan isxilqaan, isla markaana is bedel weyn ay ka muuqato xarunta Madxafka Qaranka oo lagu dhisayo barnaamijka isxilqaan ee uu daah furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.